KuMuqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay hoteelka Chelsea Village ee ku yaalla xeendaabka garoonka Aadan Cadde.
Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, xalinta qilaaf ka dhex jiray labada madaxweyne iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin ayey isla soo qaadeen labada madaxweyne.
Sidoo kale Axmed Qoorqoor iyo Saciid Deni ayaa isla gartay in la xaliyo qilaafka ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana lasii amba qaado sidii looga wada hadli lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada dhaceysa.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkaan soo kala dhex galay qilaaf siyaasadeed, kaddib hadal jeedintii bishii hore ee madaxweyne Saciid Deni oo uu ka carooday madaxweyne Qoorqoor.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





