Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu wadaa in manta oo isniin ah uu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada.
Inta uu socdo shirka ayaa waxaa lagu saxiixi doonaa heshiiskii guddiga farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo, iyadoona shirka uu socon doono laba maalmood, sida ay shaacisay madaxtooyada.
Puntland iyo Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ku xiray ka qeyb galka shirka, waxaana xusid mudan in saddex jeer uu baaqday shirar uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





