Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

DHAGEYSO: 10 qof oo cudurka Coronavirus ugu dhimatay magaalada Burco

Burco (Halqarancom) – Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Burco, Cabdi Suudi Ibraahim ayaa Sabtidii maanta sheegay in xanuunka uu si weyn ugu soo laba kacleeyay Magaalada Burco, kororkiisana laga dareemay magaaladaasi.

Cabdi Suudi Ibraahim ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeysay xanuunka laga baaray 668 qof, lagana helay 224 qof, kuwaa oo dhammaantood reer Burco ah.

“Runtii dadkaasi waxay noqonayaan marka boqoleey laga dhigo boqolkiiba shan iyo soddon qof (35%). In boqolkii qofba ee la baaray laga helay xanuunka shan iyo soddon qof oo ka mid ah.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha oo Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Burco ayaa sheegay in 19-kii maalmood ee ugu dambeysay ay xanuunka 10 qof ugu geeriyoodeen Xarunta Magaalada Burco ee dadka xanuunkaasi looga daweeyo.

Tiradan ayuu ku sheegay inay tahay tirada laga warqabo ee xaruntaasi xanuunka ugu geeriyootay.

Sidoo kale, wuxuu agaasimaha Guud ee Isbitaalka Burco sheegay, in khatarta xanuunka iyo faafitaankiisaba ay muuqato, iyadoona uu bulshada ugu baaqay in cid weliba ay taxadarto, isla-markaana ay dadku qaataan maaska afka iyo sanka lagu daboosho, kuna dadaalaan gacmo dhaqista.

Ugu dambeyn, saamaynta soo laba kacleynta xanuunsidaha COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno ayaa waxaa aad looga dareemay inta badan deegaannada Soomaalida.

Halka hoose ka dhageyso Codka Agaasimaha guud ee Isbitaalka Burco:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...