Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka aysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca, iyadoo aysan jirin wax muujinaya inuu sababo xinjirowga dhiigga
WHO ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay mid aan la xaqiijin karin inay run tahay, balse la ogyahay xiligan in tallaalkaasi uu baajin karo khatarta Covid19.
Dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaasi ayaa waxaa ka mid ah, Bulgaria, Denmark iyo Norway, waxayna WHO ugu baaqday inay sii wadaan maadaama uu yahay tallaalka kaliya ee xiligan loo haysto la dagaalanka Coronavirus.
Afhayeen haweeney ah oo u hadashay hay’adda WHO ayaa sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalkan cusub iyo xinjirowga dhiigga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





