Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe iyo Amb. Yamamoto?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay ula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah Xubnaha sare ee Midowga Muaharixiinta, waxaana kulamadaas intooda badan looga hadlay khilaafka kajira Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda in uu ka furmo Teendhada Afisooni ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...