Monday, June 22, 2026
25.9 C
Mogadishu

Ciidamo lagu tababar dalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada oo ka ka tirsan Ururka 6-aad ee Guutada 17aad ee Gorgor ee Kumandooska oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dalka kusoo laabtay.

Ciidamadan oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo nooca ciidamada cirka ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka lagu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay walaalaha Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.

”Dhismaha ciidanka waa socdaa xuquuqdoodana waa diyaar, Soomaaliya Hanoolaato”, ayuu yiri Wasiir Xasan.

”Iga guddooma salaanta Madaxweynaha waad mahadsan tihiin”, ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Wasiirka Gaashaandhigga.

Soomaaliya ayaa helaysay tababaro ciidan oo dibedda ah, balse imaatinka ciidamadan ayaa yimid xilli dalka doorasho loogu hanweynyahay in ay ka qabsoonto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...