Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Bannaanbixii berri ka dhici lahaa Daljirka Daahsoon oo dib loo dhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii lagu ballansana in uu maalinta berri ah ka dhaco Daljirka Daahsoon.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo dhinac taagan yihiin xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay dib u dhigeen bannaanbixii loo balansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Taalada Daljirka Dahsoon.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta go’aankaas, waxaana uu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan maalinta banaanbaxa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay, in dowladda ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay gaareen sidaas darteed aan lagu aaminkarin xaaladda dalka iyo Ammaanka banaanbaxayasha.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale ayaa khilaaf uu ka dhashay cida qaadeysa masuuliyada sugida Amniga goobta lagu waday in uu ka dhaco bannaanbixii weyn ee looga soo horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn, Wasiir Xundubey ayaa ku hanjabay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin banaanbax aysan sugeen Amniga ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...