Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

RW Rooble oo maanta kulan la leh Midowga Musharraxiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulankoodii 2aad, ee looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Hotel Decale oo ku dhex yaala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waana halkii ay Khamiistii ku kulmeen.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo sii wadidda wadahadalada, khilaafka raggaadiyay doorashooyinka dalka iyo sidii Midowga Musharaxiinta ay qayb uga noqon lahaayen shirka wadatashiga qaran, ee weli hakadka ku jira.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu kala warqaadan doono natiijada macluumaadka ay soo uruuriyeen guddigii wadajirka, ee loo xil saaray in baaritaanka ku soo sameeyaan dhacdadii 19-kii February, inkastoo ay suurtagal tahay inaanan kulankan lagu soo bandhigin xogtaasi.

Sidoo kale, kulanka ayaa la filayaa in lagu soo hadalqaado bannaanbaxa lagu heshiiyay in toban cisho gudahood kaga qabsoomo Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa sii wadi doono wadahadalada, illaa iyo inta ay ka meelmarayaan qodobadii horaan lagu heshiiyay.

Geba-gabada kulanka ayaa waxaa suurtagal ah in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Maamulada Jubbaland iyo Puntland ugu yeero ka soo qaybgalka shirka wadatashiga qaran, ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Si kastaba, beesha Caalamka ayaa boggaadisay dadaalada uu Rooble xalka ugu raadinayo caqabadaha horgudban hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...