Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Axadda maanta ah shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka Warfaafinta, iyo Madaxtooyada
Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa golaha la wadaagay in maamulka Hirshabeelle ay soo gaareen 10 gaadiid oo qeyb ka noqonaya dib u dhiska ballaaran ee ku socda ciidanka booliska Hirshabeelle.
Sidoo kale Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyay howlgalo qorsheysan oo Al-Shabaab looga saaray deegaanno badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa Madaxweynaha iyo golaha la wadaagay inuu soo laba kacleeyay Xanuunka Covid-19, Wasaarad ahaana ay u diyaar garoobayeen,
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dhowaan xariga laga jari doono Tv-ga Cusub ee Hirshabeelle oo dhismaha iyo qabaleyntiisu ay dhammaatay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha Wasiirrada, waxa uuna kula balamay inay sii dardar galiyaan howlaha shaqo ee ay umadda iyo Dowladda u hayaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





