Wednesday, April 22, 2026
30 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar ku bixiyay in si deg-deg ah loo furo Waddada Dabka ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in si deg-deg ah loo furo waddada dabka oo xalay hay’adaha Amniga Soomaaliya ay dhagxaan waaweyn ku xireen.

RW Rooble ayaa uga mahadceliyay shacabka Muqdisho sida ay ugu dulqaateen xirnaanshaha waddada oo hal-bowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg-deg u furaan waddada Dabka oo hal-bowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho, waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada‘‘, ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu dambeyn, xirnaanshaha waddada Isgoyska dabka ee dhagxaanta waaweyn lagu jaray ayaa waxaa ay ka dambeysay, kadib markii gaari NOHA ah oo si xowli ah waddadaas uga soo gudbay uu ku qarxay Barta-koontorool ee ku taal Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...