Tuesday, June 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: DF Soomaaliya ‘‘Marnaba ma aqbaleeno in kiisa badda markale dib loo dhigo‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa si adag uga soo horjeesatay, codsiga dowladda Kenya oo ay maxkamadda ICJ u dirtay, kaasi oo ah in markii Afaraad dib loo dhigo dacwadda Badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska badda ,balse  marnaba aqbaleyn Dowladda Soomaaliya in kiiska badda dib loo dhigo.

Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay Wasiir Dubbe, in DF Soomaliya ay Maxkamadda ICJ u gudbisay qoraal ay ku cadeyneyso inay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwadda badda, islamarkaana aysan aqbaleyn in dib loo digo kiiska badda.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay dhowr jeer kiiska Badda codsatay in dib loo dhigo, waxaana uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in kiiskaas la qaado ayna dooneyn inay cadaaladda hortagaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Kenya si ay mar marsiiyo ugu hesho ay dhammaan shaqadii ka ceyrisay qareenadii u doodayay, waxaana uu markale ku celiyay in Dowladda Soomaaliya uu go’ankeedu yahay in kiiskaasi la qaado waqtigii Maxkamadda iclaamisay.

Si kastaba, Wasiirka Warfaafinta ee XF Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe  waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay hal meel uga soo wada jeestaan cadowga Soomaaliya, una diyaar garoobaan difaaca dalka.

Ugu dambeyn, Kiiska dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay Soomaaliya Maxkamadda ICJ u gudbisay Bishii Agoosto sanadkii 2014-kii, waxaana ay soo martay heerar kala duwan, iyadoo saddex jeer hore dib loo dhigay.

Halka hoose ka dhageyso Codka Wasiir Dubbe:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...