Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

DF Somaliya oo maxkamad ciidan ka hirgelineysa Dowlad Goboleedyada

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kormeeray Xarumaha iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Laamaha Garsoorka Dalka, isagoo Kulan la qaatay, Guddomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Maxamuud Axmed (Dalab), Guddoomiyaha Maxkamada darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Korneel Xasan Cali Nuur Shuute, Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, sidoo kale waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa u jeedka kormeerkiisa la xariirtay u kuurgelidda hanaanka Shaqo iyo howlaha Baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale, wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in kulamada uu la qaatay masuliyiintan uu ku qotomo sidii maxkamadda Ciidamada looga hergalin lahaa guud ahaan maamul gobaleedyada Dalka.

Wasiirka ayaa balan-qaaday in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qeybqaadaneyso sare u qaadidda aqoonta Saraakiisha ka howlgala Maxmadaha iyo Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...