Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug weli ka socda shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyada oo saacadihii la soo dhaafay shirka looga dooday qodobo xasaasi ah oo salka ku haaya arrimaha doorashooyinka dalka.
Wararka horudhac ah ee shirka laga helayo ayaa sheegaya in isfaham laga gaaray Arrimaha Gobolka Gedo, iyo khilaafka sida loo wajahayo doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada waqooyi ee Somaliland oo uu kasoo horjeestay guddoomiyaha Aqalka sare.
Madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb qodobada ugu muhiimsan oo ay isku fahmeen ayaa gaaray Saddex qodob, kuwaas oo kala ah.
1- Arrinta Gobolka Gedo oo xalkeeda loo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.
2- In Ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM la geeyo Magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo.
3- Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Magalada Garbahaarey.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa doonaya in Maamulkii Gobolka Gedo ee Jubblanad lagu celiyo Garbahaarey, gaar ahaan Duqa magaalada maadama halkaasi loo asteeyay ay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada labada Aqal kasoo galaya degaannada Jubbaland.
Shirka u dhaxeeyay Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxana isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya, kuwaas oo madaxda ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan.
Ugu dambeyn, maalinta Berri oo Jimco ah ayaa Shirka diiradda lagu saari doona khilaafka ka dhashay guddiyada doorashooyinka, Gobolka Gedo iyo 13 Senator ee la siiyay gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





