Wednesday, June 3, 2026
26.6 C
Mogadishu

Wasiirro ka socda XF Soomaaliya oo gaaray Degmada Bardaale

Bardaale (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay maanta gaareen degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin, Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale waxaana garoonka diyaaradaha degmada Bardaale kusoo dhaweeyay maamulka degmadaas.

Ujeedka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee degmada Bardaale u tageen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen Xaaladda bini‘aadanimo ee ka jirta iyo qaabka ugu haboon ee kaalmo lagu gaarsiin karo dadka ku dhaqan deegaanada ku xeeran degmada Berdaale.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha wafdiga ay wadeen gurmad aan badneyn oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay dadka kunol degmada Bardaale oo u gculeyso farabadan ay kajiraan.

Ugu dambeyn, inta badan degmooyinka Gobolka Baay ayaa waxaa kajira culeyso amni oo ay saareen Al-Shabaab, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur Galbeed oo is kaashana ay indhowaalaba howlo gar-gaar ka wadeen qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...