Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka Madaxda dowlada iyo dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo soo jeediyay lix qodob oo ay sheegeen in uu muhiim u yahay shirkaas.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharraxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la amba qaadayo muhiimada ay dalkeena u leedahay qabsoomida doorasho wada ogol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, lana tixgelinaayo kala aragti duwanaanta ku aadan meelmarinta heshiiska doorashooyinka, ayay sheegeen in golaha Midowga Musharraxiinta fursad u arkaan shirka wadatashiga dhuusamareeb ee lagu baaqay 1-da Bisha Febaraayo ee sanadka 2021 oo Maanta ku beegan.
Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday 5 qodob in lagu dhaqaaqo si shirka Magaalada Dhuusamareeb uu u noqdo mid miro-dhal ah.
Hoos ka akhriso Qodobbada ay soo jeediyeen Midowga Musharraxiinta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





