Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kusii qul qulaya Madax kala duwan oo halkaas uga qeyb-galeysa Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug & Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulkaas.
Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray mas’uuliyiin horudhac u ah safarka ay Magalada Dhuusamareeb ku tagayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.
Shirka wadatashiga Madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uu gebo-gabo yahay.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana waddooyinka iyo Goobaha muhiimka ah lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo amniga xaqiijinaya.
Shacanka Soomaaliyeed iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa isha ku haya Shirka Dhuusamareeb oo ah fursadii ugu dambeeysay ee lagu gaari karo heshiis lagu qabto doorasho ka dhacda dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





