Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Tukriga oo Digniin u dirtay Midwoga Yurub, kaddib markii…

Ankara (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mowlud Oglo   ayaa uga digay Midowga Yurub inay sii wadaan go’aanka cunaqabateynta lagu saarayo Ankara, kaasi oo ay meel mariyeen bishii Diseembar ee sanadkii tagay.

Mowlud Oglo ayaa arrinkan ka sheegay, isaga oo ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaha Golaha midawga Yurub, Charles Michel.

Wasiir Oglo wuxuu caddeeyay mowqifka Turkiga, wuxuuna digniino u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell, madaxweynaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.

Dhanka kale Wakiilka Turkiga ee Yurub ayaa ku wareejiyay madaxda hay’adaha Yurub casuumaad uu u fidiyay  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay u soo booqdaan dalkiisa, si logu soo bandhigo dalabyada Ankara ee ku aaddan horumarinta xiriirka Midowga Yurub.

Sarakiil ka socotay Turkiga ayaa sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, kaasi oo ku dhiirrigaliyay Ankara inay xalliso khilaafaadka kala dhexeeya Giriigga.

Intii uu socday kulanka Reer Yurub, ayaa waxay kula taliyeen Turkiga,  inay ka waantoobaan waxq kasta oo kicin kara xiisadda dagaal, saraakiisha Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay qaadan doonaan go’aan ay kaga jawaabayaan cunaqabateynta inta lagu gudajiro shir madaxeedka Yurub ee loo balasanyahay  bisha Maarso.

Wasiirada  arrimaha dibada  midowga yurub aya Isniinta soo socta u balansan kulan ay kaga wada hadli donaan xiriirka udhaxeeya midowga Yurub iyo Turkiga, sida uu ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Luxembourg Jan Asselbronn war uu siiyay majalada France Press.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...