Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

Maxaa baajiyay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta la baajiyay, kaas oo ka duwanaa shirarkii caadiga ahee ee todobaadkii mar u qabsoomi jiray Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa qorushu ahaa in Maanta la horgeeyo 15 Safiir si ay u ansixiyeen, balse la baajiyay sababo aan la shaacin, kadib markii farriimo loo diray Xubnaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa la horgeeyay 12 Safiir, hayeeshee ay diideen, kadib markii Wasiirada qaarkood ay sheegeen in Safiirada Cusub aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga ee 4.5.

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli lagu guda jiro waqti doorasho oo aan weli la isku fahmin, iyada oo la sheegay in sababaha xilligaan Magacaabista Safiirada ay tahay in la isaga yareeyo culeys siyaasadeed oo heysta dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...