Monday, June 22, 2026
25.2 C
Mogadishu

Labo ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee xoogga ku galay Kongareeska Mareykanka oo la xiray

Washington (Halqaran.com) – Laba nin oo ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ee Arbacadi xoogga ku galay xarunta Kongareeska Mareykanka ayaa Sabtidi la xiray, iyada oo ay ciidamada amaamnka baadi-goobayaan kuwo kale oo badan.

Labada nin ayaa ka mid ahaa kuwii ay sida gaar ah u qabteen indhaha caalamka, sawirradoodana aad loogu wadaagay baraha bulshada.

Jacob Anthony Chansley oo kasoo jeeda gobolka Arizona ayaa Sabtidi lagu qabtay isla Arizona. Ninkaan ayaa ah ninki xirnaa koofi maqaar laga sameeyay oo geeso dhaadheer lagu dhajiyay.

Chansley oo ku magac dheer Jake Angeli, ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin ka qeybgaladi qarbudaad iyo dhaqan-xumo.

Ninka kale ayaa ah Adam Johnson ah 36 jir, kana soo jeeda gobolka Florida. Sawirkiisa ayaa kasoo muuqday baraha bulshada iyo telefashinnada isaga oo wata minbarka afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi.

Adam ayaa laga soo xiray Sabtidi Kowntiga Pinellas, waxaana la filayaa in dhawaan maxkamad lasoo taago.

Jimcihi ayaa isna lasoo xiray, Richard Barnett oo kasoo jeeda gobolka Arkansas. Ninkaan ayaa lasoo sawiray isaga oo ku fadhiya kursiga xafiiska Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi, si jees-jees ahna ay lugtiisa u saaray miiska afhayeenka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...