Monday, June 22, 2026
25.2 C
Mogadishu

Wafdi ka socda IGAD oo lagu qaabilay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta la kulmay guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD.

Guddiga ayaa dalka u yimid xal u helidda xaaladda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Ashkir ayaa guddiga soo dhaweeyey, kuna amaanay kaalinta uu urur gobeleedka IGAD ka qaadanayo xallinta khilaafaadka gobolka.

Waxaa uu u xaqiijiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay go’antahay ilaalinta daris wanaagga isla markaana ay ka  rajeynayso dhanka kale dhowrista madaxbanaanida Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...