Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo sheegay in DFS ay ka go’an tahay xaqiijinta qoondada Haweenka ee  30% +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarinta bulshada, gaar ahaan xiliyadii adkaa iyo hadda oo dalku dib uga soo kabanayo.

Haweenka Soomaaliyeed oo qaba walaac ku addan lacagta isdiiwaan gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraasta goleyaasha oo ka badan tii sanadkii hore ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u caddeeyey in dadaal dheeri ah uu ku bixin doonno sidii arrintaa xal loogu heli lahaa.

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Ibraahim Xaabsade ayaa tilmaamatay in haweenku ay helaan matalaad siyaasadeed oo muuqata ay tahay mid ka timid bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, iyadoo taas laga duulayana ay u howlgeli doonaan sidii loo xaqiijin lahaa kuraasta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Goleyaasha dowladda, waxayna uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha xaqiijinta qoondada haweenka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...