Sunday, May 3, 2026
28.3 C
Mogadishu

Mareykanka ‘‘Waxaan duqeyn la beegsanay hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – 5 ruux oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo uu ku jiro hal hoggaamiye ayaa lagu diley duqeyn ay si wadajir ah uga fuliyeen dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya agagaarka Saaxa-weyne khamiistii.

Sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, ma jiro qof rayid ah oo wax ku noqday ama ku dhintay howlgalkaas dartiis.

“Duqeyntan waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo fududeeyay maaliyadda, hubka, dagaalyahannada, iyo waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

“Mid ayaa looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerar hore oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya,” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Toddobaadkii hore laba duqeyn cirka ah ayaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda xagjirka ah waxaana lagu burburiyey lix dhisme oo ku yaal xaruntooda.

Madaxweynaha xilka ka sii dhammaanaya ee Donald Trump ayaa bishii December amar ku bixiyay in laga saaro Soomaaliya ilaa 800 oo askari, tallaabadaas oo la filayo in la dhammaystiro markii Madaxweynaha la doortay Joe Biden la caleemo saaro dhammaadka bishan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...