Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in ay 1.5 Milyan oo dollar ugu deeqday la dagaallanka Ayaxa dhowaan ka dillaacay qaar ka mid ah Waddamada bariga Afrika.
Dhaqaalahan oo la soo marsiiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayo hawada iyo dhulka.
Ku xigeen xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, Farhan Haq ayaa sheegay in tan iyo December 2020-ka ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.
Bishii la soo dhaafay ayay hay’adda Cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabbilsan ee FAO codsatay dhaqaale dheeri ah si sare loogu qaado la dagaallanka Ayaxa ka dillaacay waddamada bariga Afrika oo ay u horreyso Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com