Sunday, May 3, 2026
28 C
Mogadishu

Puntland & Galmudug oo Shir ku saabsan Ammaanka ku yeeshay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabsoomay shirkii 3-aad ee Iskaashiga Amniga, kaasoo ay shir guddoominayeen wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed C/raxmaan Dhabancad, ayna ka soo qeybgaleen wasiirro, guddoomiyaasha gobolka Mudug iyo guddoomiyaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ka soo qeybgaley taliyaasha hey’adaha amniga Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo.

Shirka waxaa lagu dhageystay warbixinno dhanka amniga ah iyo heerka ay marayso iskaashiga iyo wada-shaqaynta hey’adaha amniga labada maamul ee Puntland iyo Galmudugn iyo sidoo kale dadaalada lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Saraakiisha sare ee hey’adaha amniga gobolka Mudug iyo kuwa degmada Gaalkacyo waxay soo bandhigeen horumarka iyo waxqabadka wadajirka ah ee ay ku tallaabsadeen hey’adaha amnigo oo iskaashanaya, iyo burburinta shabakado argagixiso oo ka hawlgali jirey magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaasha gobolka Mudug ee labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa dhankooda ka warbixiyey horumarka dhanka dhaqaalaha, arrimaha isdhexgalka bulshada iyo la shaqaynta hey’adaha amniga heer gobol iyo heer degmo.

Wasiirada Amniga Galmudug iyo wasiirka Arriimha Gudaha Puntland ayaa gabagabdii shirka bogaadiyey iskaashiga iyo wada-shaqaynta maamuladda iyo hey’adaha amniga labada dawladood ee Puntland iyo Galmudug, waxayna dardaaran ku bixiyeen in la sii xoojiyo wadashaqaynta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...