Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

QM oo soo jeedisay in dib u heshiisiin laga sameeyo Hirshabeelle

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulamo gaar-gaar ah oo khadka Internet-ka ah ayaa  maanta dhexmaray Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaliya Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax, iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe.

Kulamaddaan ayaa looga hadlayay khilaafyada ka taagan maamulka Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama gobolka Hiiraan ay ka jiraan xaalado ka dhan ah Madaxweyne Guudlaawe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada ku aadan sidii loo horumarin lahaa xaaladda Ammaanka iyo dib u heshiisiinta maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale kulamadii uu la yeeshay waxgaradka Hiiraan.

Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay wadahadal dhammaan daneeyayaashu ay qeyb ka noqdaan si loo helo dib u heshiisiin ka dhacda Hirshabeelle, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada nabadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...