Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo Garoowe ku kulansiiyay Sheekh Shariif iyo Mahdi Guuleed

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa xalay Magaalada Garoowe ku kulansiiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulankan ayaa ahaa mid is arag uun ah, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee Garoowe ku sugan ayaa magaaladaasi uga qaybgalaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage.

Shirka Madasha Heritage oo sanad kasta dibadda lagu qaban jiray ayaa sanadkan ka qabsoomaya dalka, iyadoona maanta lagu wado in uu ka furmo Magaalada Garoowe.

Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Garoowe. Sidoo kale waxaa ku sugan Midowga Musharraxiinta, marka ay dhanka Dowladda Federaalka noqotana waxaa ku sugan Guddoonka Labada Aqal iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee Villa Soomaaliya ka tirsan oo la kulma garabka mucaaradka, ka dib khilaafka xoogan ee hareeyay doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...