Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka hadlay walaaca ay siyaasiyiinta ay ka mid yihiin musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay ka qabaan howlaha doorashada Soomaaliya.
Laftaagreen oo khudbad ka jeedinayay munaasad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii la doortay ayaa sheegay in la xalin doono walaaca iyo cabashada siyaasiyiinta Muqdisho jooga ay ka keeneen doorashada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in mas’uuliyad la iska saaro xalinta cabashada ka imaaneysa siyaasiyiinta ee la xiriirta doorashada six al buuxa loo gaaro.
“Waxaa rabnaa inaan mas’uuliyad gooni iska saarno dhawaaqa iyo walaacii dadkii siyaasiyiinta ee xamar joogay ee cabashada ka qabay dorashooyinka una baahan in la isku qanciyo oo la wada hadlo, waa tii aan horay u balanqaadnay waa u istaageynaa, wax nagu muhiimsan oo rabno waxay tahay sidii horay u ahaan jirtay inay dooarasho dhacdo, si nabad ku dhacdo, waqtigeedana ku dhacdo ayuu yiri” laftaagreen.
Si kastabab, dood adag ayaa ka taagan hanaanka habraaca doorashada Soomaaliya oo Midowga Musharaxiinta u arkaan inay tahay doorasho ku saleysan hanaan boob ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





