Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ku amray laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka kunool Magaalada Muqdisho markii la xiro waddooyinka.
Xundubey ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka laga rabo in ay u turaan shacabka, islamarkaana kuwooda dhibaateysan aysan u diidin in la maro wadooyinka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka hadlayay sababta maanta waddooyinka Muqdisho loo xiray ayaa sheegay in ay la xariirto sababo amni oo aan loogu tala galay in lagu dhibaateeyo shacabka Caasimada.
Shacabka Muqdisho ayaa maanta dhibaato kasoo gaartay markii dowladda dhexe ay amartay in la xiro waddooyinka.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magalada Muqdisho, iyaga oo u diiday Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay waddooyinka qaar isticmaalaan.
Waddooyinka muhiimka ah ee maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama, Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayay Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





