Tuesday, June 16, 2026
26.6 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyey Degmada Cadaado +(SAWIRRO)

Cadaado (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta ay joogaan Cadaado waxa ay u kuurgalayaan xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool Cadaado ee dhinacyada kaabayaasha bulshada, taasoo qeyb ka ah barnaamijka xukuumadda ee horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in shacabka Cadaado ay yihiin dad jecel dowladnimad, isagoo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey safarka uu ku joogo Galmudug ee loogu kuurgalayo baahiyaha ka jira deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabkii soo dhaweeyey u mahadceliyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu kulamo lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka la sameyn doonno qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Cadaado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...