Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Caabudwaaq +(SAWIRRO)

Caabudwaaq (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin.

Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagey degmada Caabudwaaq ayaa ku qotoma sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo amniga deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq, taasoo lagu adkaynayo horumarka iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey bulshada Caabudwaaq saraakiishii lagu laayay deegaannada u dhexeeya Balanbale iyo Guriceel, waxuna amray in si dhaqso loo horkeeno caddaaladda kooxihii dalka geystay.

“Bulshada Caabudwaaq waxay caan ku yihiin dalka iyo dowlad jeceyl, waxaan ka tacsiyeynayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee lagu dilay Balanbale, dowladduna kama gaabinayso in danbiilayaashii falka geystay gacanta lagu soo dhigo”.

Ka hor inta uusan gaarin degmada Caabudwaaq ayuu R/Wasaaruhu ku hakaday deegaanka Huurshe oo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool ay si weyn ugu soo dhaweeyeen, waxuna kulamo la yeeshay odayaasha deegaanka iyo waxgaradka oo uu kala hadlay dhowrista nabadda, una balan qaaday in dowladdu ka fulin doonto mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa Safarkiisa ku weheliya Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wasiirro, Xildhibaanno iyo madax kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...