Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu ku tegay magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in guul ay ku dhamaadeen kulamadii uu la qaatay Madaweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay la tageen heshiisyo waaweyn oo ay la galeen oo ay kamid ahaayeen, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo ku saabsan Amniga Gobolka.
Geesta kale, Muuse Biixi Cabdi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Go’aanka ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya, waxaana uu sheegay in go’aankaas uu albaab walba u furayo Somaliland.
“Horta go’aankaan ay la yimaadeen Soomaaliya ee ah in dowlad walba aan u tagno inay xiriirka u jaraan albaab wanaagsan ayay noo fureen oo aan aqoonsi ku heleeno, annagana cid walba waan la shireynaa‘‘ ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





