Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay joojisay shaqooyinkii?

Nairobi (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegaya, in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay halkaas ay joojisay dhammaan Shaqooyinkii ay qaban jirtay.

Tallaabadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid ay isu diyaarineyso in albaabada loo laabo maadaama Dowladda Soomaalia ay xiriirka u jartay Kenya, islamarkaana uu xoogeystay khilafka u dhaxeeya labada dowladood.

War qoraal oo Ogeysiis ah oo Arbacada maanta kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la fulinayo go’aanka dowladda la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay.

“Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogeysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah, howlaha safaaradda & adeegyadii ay qaban jirtay waa la hakiyay‘‘, ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo ku xirnaa adeegga ay bixiso safaaradda sida Baasaboorka iyo dokumentiga dal ku noqoshada, waxayna arrintan saameyn ku yeelan doontaa isu socodka dadka Soomaalida ee Nairobi.

DF Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay safiirkii ka joogay Kenya sidoo kale dalka ka saartay Safiirkii Kenya, waxaana habeen ka hor sidoo kale ay dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dowladda Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...