Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Dagaal ka socda Wanlaweyn iyo Askar lagu dilay halkaasi

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed uu ka socdo degmaasi.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkaasi uu yimid, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen bar-koontorool oo Ciidamada ku leeyihiin bartamaha magaalada gaar ahaan xaafada Muuri ee degmada Wanlaweyn, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay dileen Afar ka tirsan ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed taas oo keentay in uu dagaal salka ku haaya isku qabsiga barta koontorool oo lacago lagu qaado uu bilaawdo.

Sidoo kale, barta koontorool ee lagu weeraray Ciidamada ka tirsan daraawiishta koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer uu dagaal ka dhacay, kadib markii ay weerareen maleeshiyaad deegaanka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...