Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasiirka Warfaafinta ee XF Somaliya ‘Dubbe’ oo Digniin u diray Midowga Musharraxiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cismaan Dubbe ayaa weerar Afka ah ku qaaday musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, isagoona u diray digniin.

Wasiir Dubbe oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee maalmahaan ku shirayay Muqdisho gaar ahaan Madaxweynayaal hore ujeedkooda uu yahay xarako iyo Ciyaar Ciyaar sida uu hadalka u dhigay, isagoona uga digay inay dalka fowdo geliyaan.

”Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi magacaabayaa, miyaanay ahayn Xarako iyo layaab”. ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee XFS Cismaan Dubbe.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya, ayaa hadalkiisa sii xoojinaya khilaafka ka dhashay dhinaca Guddiyada doorashooyinka qaranka ee u dhaxeeya Madaxda DF iyo Musharraxiinta Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...