Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Shirkii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada Somaliya oo markale baaqday +(SABABTA)

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta baaqday, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Xubnaha golaha Wasiirrada ayaa lagu wargaliyay in uu baaqday shirkii aan caadiga aheyn, islamarkaana dib laga soo sheegi doono xilliga la qaban doono.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wasiirrada lagu waday in laga soo saaro go’aano culus oo ka dhan ah Jubbaland oo lagu saleyn doono xaalada doorashada oo weli lagu muransan yahay Guddiyadii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in kulanka sababta uu dib ugu dhacay maanta ay aheyd sidii loo qaadan lahaa go’aamo mideysan oo ku aadan xaaladdaha maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid ah Wasiirrada ayaa saadaaliyay in maalmaha soo socda wax weyn ka soo bixi doono Golaha Wasiirrada, inkastoo ay ka gaabsaden, balse waxaa hadal heyntu u badan tahay Jubbaland iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa maalmo ka hor shaaciyay in Golaha Wasiirrada qorsheynayaan inay Jubbaland u aqoonsadaan deegaan cadaw heysto, kuna tilmaamay haddii tallaabadaas dhacdo inay tahay qar iska-tuur iyo daldalaad siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...