Wednesday, July 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Xildhibaannadii Xasaanadda laga qaaday ee Puntland oo go’aano adag ku dhawaaqay

Garoowe (Halqaran.com) – Xildhibaannadii xasaanada laga qaaday ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay shir jaraa’id oo ay Garoowe ku qabteen waxa ay ku beeniyeen in xasaanad iyo xilkii xildhibaannimo laga qaaday, waxaana ay sheegeen in wali ay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaannada ayaa xusay in sharciga ku garnaqsanayaan, sidoo kalena ay tagayaan xarunta Baarlamanka si ay u ilaaliyaan sharciga iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Puntland oo shaqsiyaad aysan gacmaha ku qaadan karin.

Waxayna Shacabka reer Puntland ugu baaqeen in ay is dejiyaan, islamarkaasna ilaaliyaan midnimada iyo Amniga dowladda Puntland.

Xildhibaannada hadlay ayaa waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...