Monday, May 25, 2026
26.6 C
Mogadishu

Donald Trump oo amray in si dhaqsi ah looga saaro ciidamada Mareykanka gudaha Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay ciidamadeeda ay kala baxayso dalka Soomaaliya horaanta sanadka cusub ee  soo socda.

Madaxweyne Donald Trump ayaa amray Pentagon-ka in ciidamadiisa laga saaro Soomaaliya, sida ay lagu shaaciyay war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka oo lagu faah-faahiyay amarka Madaxweyne Trump.

700 askari Maraykan ah oo hadda jooga Soomaaliya ayaa dib ugu laaban doona saldhigyo Maraykanku ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga.

“inta badan ciidamada iyo hantida Mareykanka ee jooga Soomaaliya lagala bixi doono horaanta sanadka 2021” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Pentagonka.

Warka ayaa sidoo kale lagu yiri “Haatan waxaa jira 700 oo askari oo ku sugan wadankaas geeska Afrika ku yaal, kuwaas oo tababar iyo la talinba siinaya ciidamada maxalliga ah. dagaalka dheer ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabab, oo gacansaar la leh Al-Qaida”

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa 13 kii sano ee la soo dhaafay dagaal kula jiray Al-Shabaab iyo koox yar oo ka tirsan Daacish.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...