Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

UPDATE: Laacibkii caanka ahaa Diego Maradona oo geeriyooday

SPORT (Halqaran.com) – Xiddigii kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa maanta geeriyooday kadib markii wadanaha uu istaagay, sida uu sheegay qareenkiisa.

Maradona oo 60 jir ahaa, ayaa dhowaanahan xaaladdiisa caafimaad ay liidatay, ayada oo qalliin looga sameeyey maskaxda, dhowr toddobaad ka hor.

Diego Maradona ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan ee caalamka soo marta sanadihii sideetameyadii.

Maradona shaqsi ahaan waxaa lagu tilmaamay in uu gacan wayn ka geystay guusha uu dalkiisa gaaray.

Xiddigii kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona intii uu xirfadda ku jiray waxaa uu sidoo kale u dheelay kooxaha Barcelona iyo Napoli.

Diego Maradona ayaa Argentina kula guuleystay koobka kubadda cagta adduunka ee 1986-kii, markaasi oo cayaartii ugu dambeysay ay kaga adkaadeen Germany.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...