Monday, June 22, 2026
25 C
Mogadishu

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo laga xusay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Maanta oo kale 21-ka November 1974-dii ayaa waxaa loo Asteeyey maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Senataro, madax ka socotay Hay,adda Turkish Ma’rif, La taliyaasha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan Wasaaradda Waxbarashada, Hay’adaha ka shaqeeyo Waxbarashada, Daladaha Waxbarashada, Maamulayaal, Macallimiin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa ka hadlay mudnaanta gaarka ah oo ay leedahay maalinta macallinka Soomaaliyeed.

Mr. Jaabiri ayaa waxa uu sheegay in uu macallinku yahay hoggaamiyaha xilliga adag iyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in macallinku yahay iftiinka bulshada, waxa uuna hambalyo u diray macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ugu weyn Dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay Bulshada ku dhex leeyahiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...