Wednesday, June 3, 2026
26.8 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo heshiis cusub la saxiixatay IFC oo xubin ka ah World Bank Group

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha XF Soomaaliya, ayaa Axadda maanta la saxiixday laba heshiis oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dhiirrigeliyo maal-gashiga gudaha iyo kan ajaanibta ah  IFC oo xubin ka ah  WorId bank Group.

Hadafka ugu weyn ee heshiiskan ayaa waxa uu yahay horumarinta adeegyada bulshada, abuurista shaqooyin iyo kobcinta dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed.

Heshiiskan oo ah kii ugu horreeyay ee ay kala saxiixdaan IFC iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu bixiniyaa khariidad waddo oo lagu horumarinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, taas oo loo arko inay fure u tahay mustaqbalka dhaqaalaha  dalka.

Sidoo kale, heshiiska ugu horreeya oo ay la saxiixtay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa lagu arki doonaa IFC oo saraakiisha kala talin doonta dib-u-habeyn sharciga oo taxane ah looguna talagalay in lagu dhiirrigeliyo maal-gashiga gaarka loo leeyahay ee tamarta, tikniyoolajiyadda isgaarsiinta macluumaadka, iyo qeybaha kaabayaasha warshadaha.

Maalgashigaas waxaa loo arkaa inay muhiim u yihiin hagaajinta adeegyada bulshada ee Dalkena, Heshiiska labaad ee u dhexeeya IFC iyo dowladdu wuxuu wax ka qabanayaa jawiga sharciyeynta ganacsiga wuxuuna gacan ka geysanayaa kobcinta hufnaanta ganacsiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...