Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Shiinaha oo ka qeyb-qaadanaya qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Shiinaha ayaa la sheegay inay dhawaan ku daabuli doonto dalalka Itoobiya iyo Jabuuti qandaraasleyaal ka shaqeynaya dhanka amniga si looga hortago in Al-Shabaab beegsato ganacsigooda ku yaala dalalkaas.

Sida uu wariyey Foreign Policy Dowladda Shiinaha oo Ganacsiyo waaweyn ku leh dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka taxadareysa inaan Ganacsigooda la beegsan, islamarkaana howshaan ay muddo soo wadeen.

Dowladda Shinaha ayaa waxaa ay Saldhig weyn oo Ciidamada Badda ah waxaa ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, waxaana qorshaan uu wado garab ku siinaya dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya oo uu Ganacsiyo waaweyn ku leeyahay Shiinaha.

Qorshahaan ay Itoobiya iyo Jabuuti ka bilaabeyso dowladda Shiinaha ayaa waxa ay fursad u noqon kartaa dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga oo tartan xoogan kula jira, iyaga oo ku mar mar siyoonaya la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Warbixinta lagu daabacay Jariiradda Foreign Policy ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha uusan isku qidad ka ahayn la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisadda Soomaaliya.

Waxaana halkaas kasoo baxaysa danaha iskasoo horjeeda ee awoodahan taasoo saameyn karta Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...