Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Prof. Dufle oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday

Muqdisho (Halqaran.com) – Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax uu ka badbaaday oo gaarigiisa loo dhigay xalay, xilli uu marayay agagaarka Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxan uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso lagu weeraray Gaari nooca aan xabada Karin oo uu saarnaa Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Hotel Dayax iyo Sayidka, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay laba kamid ah ilaaladiisa.

Senator Dufle ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ilaaladiisa, isagoona u mahad celiyay Alle iyo dadkii soo wacay markii ay maqleen qaraxa lala beegsaday.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday Gaariga Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Haseyeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa intooda badan waxaa sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Haddaba qeybta hoose Ka Akhriso Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Prof. Dufle:

Caawa abaarihii 7:00 fiidnimo oo wax yar dhiman  ayaa anigoo la socday gaarigayga waxaa uu qarax nagu qabsaday wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhexeysa Hotel Dayax iyo Sayidka.

ILAAHAY mahadiis waan ka badbaaday, waana bad qabaa hadda, balse nasiib daro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidankii ila socday, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu caafimaad deg deg siiyo.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii igala soo xiriiray gudaha iyo dibeda ee ka xumaaday dhibaatada caawa na gaartay, isla markaana muujiyey sida ay uga xun yihiin, waxay aheyd Qadar ALLE, Waxaana ILAAHAY ka baryeynaa inuu dhibaatada ka dulqaado shacabkeena Soomaaliyeed Aamiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...