Cape Town (Halqaran.com) – Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe xalay dilkaasi ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, oo howlo ganacsi halkaasi u tagay.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale ayaa waxaa ay ku dileen xaafada Elsis oo Ka tirsan magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Burcadda dilka geysatay ayaa la sheegay inay islamarkiiba goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyada oo aysan u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa aad ugu soo kordhay dalka Koonfur Afrika weerarrada lagu waxyeelenayo dadka Soomaaliyeed.
Habeen ka hor waxaa dalka Koonfur Afrika weerar toorey loo adeegsaday lagu dhaawacay wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Cumar Jaliil.
Ugu dambeyn, dhibaataynta lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa muddo dheer soo socotay. Mana jirto ilaa iyo hadda xal loo helay sidii lagu badbaadin lahaa nafta iyo maalka muwaadiinta ee waddankaasi ku nool.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





