Jowhar (Halqaran.com) – Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabeelle ayaa Sabtidii maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeell.
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabeelle.
Waxaa maanta kulankaan shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Dr CabdixakimL Xaaji Muxumed.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ugu dambeyn ansixiyey Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Guddiga doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan Jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





