Muqdisho (Halqaran.com) – Axmed Macalin Fiqi, wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, oo uu wehlinayay Wasiirka Qorsheynta maamulkaas ayaa Xarunta Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Xubnaha ay la kulmeen oo Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa Waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug.
”Wasaaradda amniga Galmudug waxay soo dhowayneysaa wada shaqayn dhex Marta Barnaamijka INL iyo xafiiska qaramada midoobay ee UNODC gaar dhinaca tababarka waaxda Dembi Baarista ee ciidamada Booliiska Galmudug oo dhowaan ay wasaaradda amnigu aas’aaseyso‘‘, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay qorsheyneysaa dhismaha Ciidamo Boolis u gaar ah, iyada oo dhawaan ay ansixiyeen Sharciga lagu dhisi lahaa Baarlamaanka Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





