Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo Shuruud ku xiray ka noqoshada go’aankii ay ku joojiyeen wadashaqeyntii Hay’adaha QM

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa markale ka hadlay go’aankii Somaliland ku joojisay wada shaqeyntii Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo sida lagu soo celin karo.

Muuse Biixi ayaa ka dalbaday Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay inay marka hore ula macaamilaan Somaliland sida dal madax bannaan oo kale, dib loogu soo celiyo howlihii ay ka wadeen deegaannada Somaliland.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayuu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inay Amaro ka qaataan dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay saameyn ku yeeshaan arrimo la xiriira Siyaasadda.

Wuxuu kaloo sheegay in Wakiilka QM uusan matalin Somaliland, balse ay soo dhaweynayaan cid kasto oo dooneysa in si sax ah loola shaqeeyo, iyada oo aan wax siyaasad ah ku jirin.

Wasaaradda qorsheynta Somaliland ayaa dhawaan qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in la hakiyay wada shaqeyntii iyo howlihii deegaannada Somaliland ka wadeen Hay’adaha QM, waxaana tallaabadaas ay u qaadeen Somaliland sababo la xiriira heshiiskii ay dhawaan QM iyo dowladda Somaliya Muqdisho ku saxiixdeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...