Garoowe (Halqaran.com) – Madaxtooyada Puntland ayaa si cad uga hortimid in la kala diro Guddiga Rugta Ganacsiga, kadib markii ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Puntland sheegtay in la kala diray.
Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka horyimid kala diristii ay Wasaaradda Ganacsiga ku sameysay Guddiga Rugta Ganacsiga Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku wargeliyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Puntland iyo Guddiga Rugta Ganacsiga in la joojiyay kala diriddii guddigaasi, illaa iyo inta laga soo gebagabeynayo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan.
Halka hoose akhriso War qoraalka Madaxtooyada Puntland:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






