Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, nabadgalyada iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka.

RW Rooble ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha Soomaaliya, sida arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa sheegay in QM ay had iyo jeer garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay dardar gelinta howlaha horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii la Magacaabay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashadooyinka & Amniga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...