Galmudug (Halqaran.com) – Munaasabad lagu dhaarinayay guddoomiyeyaasha Maxkamadda gobollada iyo ku-xigeennada xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Qoorqoor ayaa Isniintii maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada Galmudug.
Waxaa ka qeybgalay munaasabadan, Madaxweynaha Galmudug & Ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Guddoomiyaha Maxakamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno katirsan labadda gole iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.
Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa bogaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, isagoona faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah.
Qoorqoor ayaa amray dhammaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo qirayna in aysan jirin cid sharciga ka sareysa , sharciga hortiisana loo wada siman yahay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





