Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay codsi uu u soo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, kaa soo la sheegay in uu xilka ka tanaasulay.
War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu ku sheegay in kaddib markii uu arkay Dastuurka Somaliland, qodobka 90aad Xubnintiisa 5aad.
Markii uu arkay qoraalka talo bixinta ee Xeer ilaaliyaha Somaliland, Qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Codsiga cafiska ah ee Odayaasha Dhaqanka soo gaasriiyeen 21-kii Bishaan in uu cafis u fidiyay Siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalib oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somaliland.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu hadal hayay in Xubintii Xidhibaanimo uu ka tegay Maxamed Cumar Carte Qaalib, islamarkaana uu tagayo Magaalada Hargeysa, kaddib markii uu xanuun saday Aabihiis Cumar Carte Qaalib.
Halka hoose ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha Somaliland:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






